Xildhibaan Jeesow oo ugu baaqay Gudoonka Baarlamaanka inuu wax ka qabto Xildhibaanada qaska wada

0
650

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_2Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee mooshinka ka wada Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka sugayaan Gudoonka Baarlamaanka inay go’aan ka qaataan Xildhibaanada wali qaska ka wada fadhiyada Baarlamaanka.

Mr Jeesow ayaa sheegay in Xildhibaanada qaska wada ay hor-taagan yihiin in kulamada baarlamaanka ay sii socdaan, isla markaana si sharci loogu kala baxo khilaafka soo jiitamay ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaa ka rabnaa Gudoonka Baarlamaanka inuu wax ka qabto Xildhibaanada fowdada iyo qaska ka wada Baarlamaanka, waxaa ka sugeynaa go’aan cad inuu qaato”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa labo garab u kala qeybsan, iyadoo ay la kala safteen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana labada dhinac ay ku kala andacoonayaan in mooshinka uu sharci yahay iyo in aanu sharci aheyn.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inuu isu keeni doono labada garab ee Xildhibaanada, si arrintan xal looga gaaro, kadib markii kulamadii Barlamaanka uu hareeyay buuq iyo fowdo.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu dib u bilowdo kulamadii Baarlamaanka, kadib markii uu labo jeer oo hore fowdo iyo buuq ku dhamaaday kulamadii Baarlamaanka, waxaana wali jira Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshka in la horkeeno.

Jowhar