Culimaa’udiin lagu Afduubtay Xadka ay wadaagaan Sh/Hoose & Bay

0
140

AhlusunaWarar laga helayo Xadka ay wadaagaan Gobollada Bay iyo Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay galab lagu Afduubtay Culimaa’udiin Soomaaliyeed oo katirsan Ahlusuna Waljamaaca.

Si dhab ah looma oga Kooxda Hubeysan ee Afduubka geysatay iyo waxay ku beegsadeen Culimadaasi waxaana falka uu ka dhacay Tuulada Jameecada Xaaji Xaamud.
Gaari ay la socdeen 12 ruux oo katirsanaa Culimada Ahlusuna ayaa la leexsaday kadibna warkooda waa la waayey waxaana taleefoonadii ay wateen laga dhigay kuwo dansan.

Culimada qaar ee Ahlusuna katirsan ayaa ku Eedeeyey in Afduubkaasi geysteen Xarakada Al Shabaab inkastoo weli Al Shabaab ka hadlin Afduubka loogeystay Culimadaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee Midnimo.com heshay ayaa sheegaya in culimada la Afduubtay ay ka yimaadeen Baydhabo ayna kasoo qeyb galeen Siyaarta Shiikh Kuuloow Maadeey waxaana ay usocdeen xilliga la qafaalanayey Magaalada Muqdisho.

Warkii

LEAVE A REPLY