Kenya oo dowladda Somaaliya ku wareejisey Xasan Xanafi oo ka tirsan Alshaab

0
689

XasanXanafiHay’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigtay nin la sheegay in uu ahaa Sargaal katirsan Xarakada Al-Shabaab una qaabilsanaa dhinaca Warfaafinta, waxaana sargaalkan bilo kahor lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Xasan Xanafi Xaaji Xasan oo la sheegay in uu katirsanaa raga Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca Warfaafinta laguna eedeeyay in uu ku lug lahaa Dilal kala duwan oo Magaalada Muqdisho loogu geestay Wariyaal dhoor ah ayaa lagu xiray Magaalada Nairobi iyadoona ugu dambeyn Muqdisho loo soo gudbiyay.

Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu soo maleegay shirqoolo dhowr ah oo lagu dilay wariyeyaal ay ka mid yihin Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Ninkan marka lagu soo wareejiyo Cadaalada la horgeyn doono, waxaana hada gacanta ku haya oo Su’aalo badan weediinaya Xasan Xanafi Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya.

Allbanaadir