Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dood kulul ka yeelanaya Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada Somalia

0
513

Barlamaanka20141115Waxaa Maanta la filayaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka maanta looga doodayaa Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xiligan kusii qul qulaya Xarunta Golaha Shacabka si ay uga qeyb galaan Kulanka maanta oo ah mid Xasaasi ah ayna labada dhinac ka doodayaan Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Jawaari ayaa shalay sheegay in Kulanka maanta looga doodayo Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, waxa uuna tilmaamay in galab iyo subax ay shaqeenayaan si loo soo gaba gabeeyo ka doodista Mooshinka.

Maalinta Sabtida soo socoto ayaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumada Soomaaliya, waxaana yar rajada ah in uu Mooshinkan uu ka bad baado R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa.

Allbanaadir