Dagaal Goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino laga helayo cida uu u dhaxeeyay Dagaalkaasi

0
372

Markacadeey.comCiidamo kawada katirsan Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw iska hor imaad Qasaaro kala duwan dhaliyay waxa uu ku dhax maray agagaarka Isbitaalka Ciidanka Xooga ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada kawada tirsan Milatariga Soomaaliya uu socday daqiiqado badan , waxaana rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayeen laga maqlayay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wali ay xiisad ka jirto halka ay ku dagaalameen Ciidamada Milatariga oo u dhaxeysa Warshadii Hore ee Caanaha iyo Isbitaalka Xooga, waxaana xiran agagaarka halka lagu dagaalamay.

Dagaalka Goordhaw Muqdisho ku dhax maray Ciidamada kawada tirsan Milatariga Soomaaliya waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamo ay kala wateen labo Sargaal oo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya, waxa ayna wararka intaan ku darayaan in Ciidamada Dagaalamay ay yihiin kuwa horey u joogay Isbitaalka Xooga iyo Ciidamo kale oo cusub oo dhawaan halkaasi la geeyay.

Allbanaadir