Dowlada Shiinaha oo gacan ka geysanaysa sidii Batrool loogaga soo saari lahaa Soomaaliya

0
583

China20141213Mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxa ay ka wadahadleen sidii dawlada Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd soo saarida batrooka dalka Soomaaliya.

Siihayaha wasiirka arrimaha dibada iyo maalgashiga caalamiga ah Cabdraxman Ducaale Beyle iyo Siihaya wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Daa’uud Maxamed Cumar oo la kulmay safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya dalka Soomaaliya H.E. Mr. Wei Hongtian ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada dal gaar ahaan sidii dowlada Shiinaha ay uga caawin lahayd dalka Soomaaliya sidii lagu soo saari lahaa kheyraadka dabiiciga ah oo uu ugu horeeyo batroolka.

Labada dhinac ayaa waxa ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan waxayna gaareen isfaham ku aadan sidii dowlada Shiinaha ay u sii xoojin lahayd gargaarka ay u fidiso dalka Soomaaliya sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay safaarada Shiinaha ee dalka Soomaaliya.

Inkastoo mas’uuliyanta ka socotay dalka Soomaliya iyo Shiinaha ay ka wadahadleen arrimo ku saabsan soo saarista Batroolka ayaa waxaa jira shirkado reer Galbeed ah oo heshiisyo hore ula galay dowladihii hore ee Soomaaliya.

Wadanka Shiinaha ayaa waxa uu maalgelin xoog leh ku sameeyay wadamo ku yaal qaarada Afrika gaar ahaan dhinaca soo saarista shidaalka, waxana uu tartan xoogan kula jira wadamada reer Galbeedka.

Dowlada Shiinaha ayaa waxaa ay ka hirgelisay dalka Soomaaliya mashaariic kala duwan waxayna dowlada Shiinaha dhowaan dib uga furatay safaaradeeda magaalada Muqdisho.

Jowhar