Wararkii Ugu Dambeeyay halka ay mareyso Magacaabista Golaha Wasiirada Somalia iyo is qab qabsi taagan

0
714

GolahaWasiirada20140828Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaan wali ku dhawaaqin Golihiisa Wasiirada, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay jiraan is qab qabsi ka dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada.

Inta badan Liiska Golaha Wasiirada cusub ayaa lagu waramayaa in uu diyaarsan yahay balse ay jiraan shaqsiyaad dood ka dhax dhaliyay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha, waxaana hada socda dadaalo arintaasi lagu dhameenayo si loogu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in Golaha Wasiirada ay kasoo dhax muuqdaan qaar badan oo kamid ah Wasiiradii taageersanaa siyaasadiisa gacan weyna ka geestay in la rido R/Wasaarihii hore.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale Sheegaya Madaxweynaha iyo xerta ku xeeran in ay kasoo horjeedaan in Golaha Wasiirada lagu soo daro Xubno katirsanaa Xukuumadii hore si weyna u taageersanaa R/Wasaarihii la riday Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dhankiisa wada qorshe uu Xukuumadiisa uga dhigayo mid loo dhan yahay, waxa uuna doonayaa in goalaha Wasiirada ay kasoo dhax muuqdaan xubno kamid ah labadii Garab ay u kala jabeen Xukuumadii la riday.

Waxaa socda Wadatashiyo uu la yeelanayo R/Wasaaraha Soomaaliya dhinacyo kala duwan sida Xildhibaano , Siyaasigiin iyo xubno katirsan Beesha Caalamka kuwaa uu kala tashanayo Golaha Wasiirada uu soo magacaabayo iyo cida uu usoo xulanayo in ay kamid noqdaan Golihiisa Wasiirada.

Waxaa sidoo kale Magacaabista Golaha Wasiirada saameyn ku leh Siyaasiyiin dalka caan ka ah kuwaa oo iyana doonaya in xubno iyaga ay wataan lagu soo daro liiska Golaha Wasiirada, waxaana suurto gal ah in uu dib u dhaco Magacaabista Golaha Wsaiirada hadii aan xal deg deg ah laga gaarin is qab qabsi hada jira.

Xafiisyada Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Raizul Wasaaraha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa kuwa mashquul badan , waxaana halkaasi buux dhaafiyay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano doonaya in ay kamid noqdaan Golaha Wsaiirada Xukuumada Soomaaliya.