Wasiirada Cusub ee Xukuumada Somalia oo olole Xoogan ka bilaabay Magaalada Muqdisho

0
911

CumarCabdirashiid20141224_3Xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku kala fur furaan Xildhibaanada isku baheesanaya ridista Xukuumada Cusub uu dhawaan soo dhisay R/Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Wasiiradan ayaa Xildhibaanada Beelahooda iyo asxaabtooda ka dhaadhicinaya in ay taageeraan Golaha Wasiirada uu soo dhisay Rai’izul Wasaaraha Soomaaliya ayna codka kalsoonida siiyaan marka Baarlamaanka la horkeeno maalinta sabtida ee soo socota.

Qaar kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayay Wasiiradan oo qado iyo casuumad u sameenaya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxa ayna ka codsadeen in ay taageeraan Xukuumada ayna codka Kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada uu soo dhisay R/Wasaare Cumar Cabdirsahiid Cali ayaa dhankooda wada is aruursi ay ku doonayaan in ay Codka Kalsoonida ugu diidaan Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya.

Waxaana Xildhibaanada kasoo horjeeda Golaha Wasiirada Cusub horboodaya Xubno horey uga tirsanaa Xukuumadii la riday iyo Xildhibaano iyana looga baxay balanqaad la xariiray in ay kamid noqonayaan Xukuumada Cusub lagana dhigayo Wasiiro.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa xiisada siyaasadeed ee soo korortay ee ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada, waxa ayna sheegeen Xildhibaanada diidan Wasiirada la magacaacay in ay ka badan yihiin 100-Xildhibaan ,waxaana adkaan doonto in si fudud xukuumada la meel mariyo hadiiba ay xaqiiqo noqoto in Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumada ay kor u dhaafayaan 100-Xildhibaan.

Allbanaadir