Xildhibaan Jeesoow oo fariin cad u diray xildhibaanada is xulufeysiga ka wada Baarlamaanka

0
667

XildhibaanadaMotionKaKeeney20141109_12Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay is xulufeysi oo ay sameesanayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada isla markaana waxaa hadda ka aas aasan Baarlamaanka lava kutlad oo dhinacyo a kala wataan iyo dhinac kale oo ay ka mid eheyn.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanada qaar inay iska joojiyaan barnaamijka is xulufeysiga oo lagu dhibaateenaayo xukuumada cusub ee R/wasaare Cumar C/rashiid.

Xildhibaan Jeesoow ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Kutlada sameystay in ay waqti siiyaan xukuumadaan isla markaana ay fowdada ka daayaan dalka maadaama ay yihiin Xildhibaano qaranka u adeegaya si uu isaga sheegay.

Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Xildhibaanada in ay faragalinta ka joojiyaan Xukuumada cusub ,isaga oo sheegay in ay codka kalsoonida la sin doono xukuumada isla markaana ay shaqeyn doonto si dalka loo badbaadiyo.

Hadalka Xildhibaan Jeesoow ayaa imaanaya xil Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo kulan ku yeeshay Muqdisho ay sheegeen inaysan codka kalsoonida siin doonin Wasiirada cusub,iyaga oo sabab kaga dhigay in uu balanta kaga baxay ra’iisal wasaaraha cusub Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Balcad