Booliska Maraykanka oo xabsiga u taxaabay Wiil Soomaali ah.

0
745

Airport20150227Zaki Maxamad Sugule ayaa la xiray isagoo ka duuli rabay airport ku yaala wadanka Mareykanka maalinta xuska madaxweynayaasha mareykanka kadib markii ilaalada Garoonku ay ka shakiyeen.

Booliska mareykanka ayaa sheegay in Sugule oo 39 sano jir ah uu ku safraye passport- Somali ah oo aan sugneyn taa oo keentay in laga reebo diyaarad uu raaci rabay wiilkan Soomaaliga ah.

Sugule ayaa u sheegay booliska in uu dhibsaday ku noolaanshaha wadanka Mareykanka uuna go’aansaday in uu nafsad ahaantiisa iska masaafuriyo wadanka uuna u sameysto nolol wanaagsan.

TV-ga FOX9 ayaa daabacay in Zaki Maxamad uu doonaye in uu safro wadanka Somalia kuna biro Al-shabab ugana barbar dagaalamo.

Sidoo kale booliska mareykanka ayaa xabsiga dhigay nin kale oo la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay Sugule kaa oo isna doonayay inuu ka duulo wadanka Mareykanka.

Maalintii shalay ahayd waxaa magaalada Columbus ee dalkaasi Mareykanka ka furmay dacwada wiil Somali ah oo lagu eedeeyay inuu taageero u aruurin jiray kooxda Dacish ee wadamada Ciraaq iyo Syria.

Somaliweyn