Ciidamada DF Somalia oo qabtay baabuur qarax lagu fulin rabay iyo dadkii la socday

0
668

HowlgalCiidankaDowlada20150219_2Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada DF Somalia ay gacanta ku dhigeen Baabuur iyo dadkii la socday kuwaas oo marayay xaaafado ka mid ah degmada B/weyne ee Gobalka Hiiraan.

Ciidamada ayaa baabuurka iyo dadkii la socday qabtay xalay waxaana lagu qabtay howlgal ay ciidamada sameenayeen isla markaana amaanka magaalada lagu sugaayay ,maadaama dhawaan lagu dilay nin ganacsade caan ahaa.

Gudoomiyaha degmada B/weyne Maxamed Cusman Cabdi ayaa sheegay in hadda ay hayaan Baabuurkaas iyo dadkii la socday waxa uuna intaas ku daray in ay ka cabsi qabaan in baabuurkaan la doonaayay in qarax loo adeegsado.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in hadda ay baaris ku hayaan dadkaan ay soo qabteen isla markaana goordhaw saxaafada ay u soo bandhigi doonaan warbixintooda oo dhameystiran.

Warkii