Waa Ilaah Mahadiyee ii keen Abwaanka an Kabaranno Afka Soomaaligee (B T J X Kh)

0
1450

OlolahaHorumarintaReerMiyiga1Waxay ii tahay farxad weyn in an qoraalkan ku xuso ogana qeybgalo maalinta lagu weyneynayo laguna dhiiri galinayo horumarinta Afka Soomaaliga-Afkeenna Hooyo.

Waxaan sidoo kale kaga faaiideysanyaa fursaddan in an si gaar ah oga hadlo marxalad aad muhim u ah ee xusuus iyo qadarin mudan ee ka mid ah wajiyadii lagu hirgalinayey Afka Hooyo wajigaas oo ah kii Ololihii Horumarinta Reer Miyiga (O.H.R.M).  Waxaa loogu magacaabay Horumarinta Reer Miyiga waayo ma ahayn oo kaliya in reer guuraaga iyo beeraleyda la baro sida wax loo qoro iyo sida loo akhriyo balse waxaa feer socotay wacyi galin guud iyo aqoon isweydaarsi ummadda Soomaaliyeed gabi ahaan dhexmarayey.  Ardada iyo macalimiintu waxa iyaguna ay ka faaiideysteen waxna ka barteen dhaqanka iyo nolosha reer miyiga.

Dowladdu waxa ay amartay in dugsiyada sare iyo kuwa dhexe la xiro muddo sannad ah si ardada iyo macalimiintu u fuliyaan howshaas qaran.  Waxaa la diyaariyey qalabki lagu gudbin lahaa aqoonta sida sabuuraddii, masaxihii iyo dhabaashiirti.  Sidoo kale waxaa arday walba loo diyaariyey buraashaddii biyo qaadashada iyo waliba kubeertadii huwashada.  Gaadiid cusub ee fara badan ayay dowladduu diyaarisay si arday walba loo geeyo barti uu ka howl gali lahaa.

Waxay ahayd maalin farxad badan ee ay un dareemi karaan dhalinyaradii iyo macalimiinti ka hayaantay magaalooyinka iyaga oo ku sii jeeday dhul iyo dad ayan waligood arag lana dhaqmin.  Qabiil, iyo qoloqoleysi meesha kuma jirin arday wlalbana waxa lala dejiyay qoys usan garaneyn iyaguna anan garaneyn. 

Anigu khaasatan waxaan ka mid ahaa gabdhihii Xamar ka ambabaxay kana soo shaqeeyey Degaanka Qoryooleey, gaar ahaan Kurtunwaareey oo markaa ahayd meel an xiriir badan la lahayn xukun dowladeed iyo magaalo midna.  Waxaan xasuustaa marki ugu horeysay oo an fasalkeygi la fariistay in ay aad iila fajacsanaayeen iina sheegeen in ayan aqoon micnaha “dowlad” waxa ay tahay iyo meesha ay deggantahay!! 

Waxyaabaha ugu waaweyn oo innagu an ka faa’iidnay wax ka mid ahaa luqad aynan fahmi karin oo dadkaasi ay iskula hadli jireen marka ay doonayaan in anan garan waxa ay ka hadlayaan.  Waxay naga qeybgalin jireen in aynu daawanno dhaqanka guurka oo aynu isna aad ula yaabnay, kaas oo muddo todobaad ah wiilku guriga ka kalahayo oo duurka fadhinayo maalintii oo dhan.  Iyada oo markaasi uu fiidki duleedka reerka soo istaagayo lagana doonayo gabadhu in ay soo galbiso isaga oo waliba xujeynaya oo diidaya in uu is dhaqaajiyo. Tuugmo iyo baryo ayaa gabadha laga rabaa halkaas oo ay waliba casho iyo biyo diiran oo lugaha loogu dhaqo ay u sii diyaarisay.  

Waxaan la yaabnay kala dambeynta bulshada iyo waliba awoodda xad dhaafka ah ee oday dhaqameedku lahaa taas oo an caadi ahayn mararka qaarkoodna naga yaabisay annuna jeclaanayna in caadooyinka qaarkood la dabar gooyo.

Waxaan baranay in aynu cunno hilibka duurjoogta sida digaag duureedka iyo dagiiranka. Galeyda iyo cagaarka caadiga dhulka oga baxa, iyo wixi naga soo gaara waalidiinta naga soo booqanaysay Xamar ayaa raashinku ahaa.

Faa’iidooyinka la helay waxaa  kaloo ka mid ahaa ardadi, macalimiinti iyo waliba qoysaskoodi oo si wacan isu bartay. Tusaale, laba arday oo wada degan ayaa waalidkoodu noqdeen cido dani ka dhexeyso oo is xariirinaya warka iyo adeegana isu kala gudbinaya.

 Annaga iyo macalimiintayadi na hogaamineysay waxaan abuuray dugsiyo aynu ka sameynay geedaha hoostooda. Arday walba geed ayaa loo ooday sabuuradda uu surto dadkana wax ugu dhigo.

Ololuhu kuma koobneyn oo kaliya farbaridda iyo wacyi galinta balse dhammaadkii Ololaha waxaan markale naloo tababaray in aynu sameyno tirakoo dadka kaas oo noqday mid asaaska u dhigay tirada dadka dalka ku dhaqan noqdayna mid loo isticmaali jiray dajinta qorshaha iyo miisaaniyadda qaranka.

Waxa an la hilmaami karin dowrkii warbaahinta qaranku ka qaadatay Ololihii Horumarinta Reer Miyiga. Radiyo Muqdisho iyo hal abuurki Hobolladi Waabari ayaa noqday wehelki, dhiirigaliyayaashi iyo isku xirayaashii ardayda iyo macalimiinta iyo dhammaan bulshada.  Qoraallada iyo salaamaha ayay si joogta ah hawada ugu kala gudbinayeen waalidiinta, saaxiibada iyo walaalaha. 

Waxay ahayd wakhti nabad badani jirtay wax cabsi ahana ayan ka jirin.  Waxaa dhici jirtay in qoysasku kala guurguuraan oo hal arday ama lababa raacaan qoysaski guuray.  Waxay ahayd wakhti ayan cabsiyi ka jirin in gabar la fara xumeeyo, cidna la dilo.

Waxay Soomaaliya arrintan ka heshay sumcad fara badan iyo aqoonsiyo caalami ah.  Qiimaha Afka Soomaaliga ayaa gaaray darjo sare waana uu horumaray.

Waxaa mahadi u sugantahay rabbigi inoo qadaray in aynu qeyb ka noqonno taariikhdaa lama ilaawaanka ah. Waa arrin qof walba, dad iyo dowladba, ee arrinkaas ka qeybgalay ku faani karo kuna faraxsanaan karo.  Waa arrin ku dayasho mudan, darsina laga baran karo.  Marka ay umadi isku tashato, isku kalsoonaato, dhiirantahay dadka iyo dowladuna wada shaqeeyaan isku danna wataan unbaa la guuleystaa.

Waxaan hubaa in badan madaxdi iyo howlwadeennadii mashruucan (O.H.R.M.) in ayan maanta adduunka inala joogin.  Allah swt waxaan oga baryayaa dambi dhaaf iyo jannatul firdowsa al-aclaa.

Ummad an taariikhdeeda iyo halyeeyadeeda sharfin wanaagna ku xusin ma yeelato taariikh lagu faani karo, halyeeyna kama soo dhex baxo.

Waxaan ugu yeerayaa dhalinyaradi iyo macalimiinti howshaan waaya aragga u ahayd in ay wada xiriiraan golena sameeyaan si dhalinyarada maanta ay u ogaadaan howlaha ku dayashada mudan ee ay dhalinyaradi shalay soo qabteen. 

Dhacdooyinka murugada badan ee maanta dalkeennu caanka ku noqday waxa sheegta ama fuliya waa dhalinyaro.  Inta badda iyo tahriibka ku baaba’aysana waa dhalinyaro. Miyeysan ahayn in dhalinyaradu is weydiiso waxa ay u tari karaan dalkooda, ee ayan is weydiin waxa dalkoodu u tari karo.

Abdia S. Axmed

Virginia, USA

Abdia.s@hotmail.com