Wasiirka , Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan isbarasho ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha

0
394

Mogadishu, February 16, 2015 –  Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Khaled Omar Ali iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Ahmed Ali Kadiye ayaa maanta markii ugu horeysay Kulan isbarasho ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda oo ay ku booriyeen inay dardar geliyaan howlaha shaqo ee ay u hayaan qaranka .

Kulanka oo la isku weydaarsaday tallooyin kala duwan oo wax ku ool ah , ayaa waxaa ay Wasiirada cusub ay ku dhawaaqeen in ay muhiim tahay horumarinta geedi socodka shaqo ee Wasaaradda si aaney u dhicin  habacsanaan  ku timaada qorshayaasha la hiigsanayo iyo u howlgalidda hindise isla xisaabtan ah.

Kulankan oo ahaa isbarasho iyo xog wareysi ayaa ku dhammaaday guul .

AbdisalamHadliye20150216_5 AbdisalamHadliye20150216_4 AbdisalamHadliye20150216_3 AbdisalamHadliye20150216_2 AbdisalamHadliye20150216_1