0
446

HotelSYL20150306Aqriso liiska magacayada saraakiisha loo xiray inay fududeeyeen qaraxii SYL

Shabakada Warkii oo dadaal dheer ku bixisay helista Liisaska Saraakiisha Nabadsugida iyo Booliska laga xiray, ayaa waxaa ka dhex muuqday Gaashaanlayaal iyo Saraakiil kale oo iyagu la rumeysan yahay inay la socdeen Qaraxii ka dhacay S.Y.L.

Saraakiil ka tirsan Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in sababta xariga saraakiishu tahay inay ku lug lahaayeen qaraxa ama ay wax ka ogaayeen.

Waxa uu tilmaamay in Qaraxaasi loo qabtay Saraakiisha, islamarkaana lagu eedeeyay inay la socdeen Qaraxa, kadib markii waxyar ka hor ay dayaceen Amaanka Xarunta.

Saraakiisha la xiray waxa ay isugu jiraan gaashaanlayaal sare, kuwo dhexe iyo xiddiglayaal, waxa kamid ah

1. Gaashaanle sare Cali Shiinon oo ah taliyaha qaybta bari ee ciidanka booliiska ee gobolka Banaadir,

2. Gaashaanle sare Maxamed Ismaaciil, taliyaha qaybta Waliyow cadde

3. Gaashaanle dhexe Maxamed Daahir, taliyihii hore ee saldhigga Hodan

4. Laba xiddigle C/fitaax Aadan “Biit”

5. Iyo saddex askari oo kale

Saraakiisha xiran waa madaxdii iyo ciidankii shaqada, maalinta uu qaraxu dhacay gaar ahaana booliska iyo Nabadsugidda ee dagmooyinka Hodan , Waaberi iyo Wardhiigley.

Dhanka kale, Saraakisha la xiray ayaa waxa ku jiraan 2 Sargaal oo katirsan Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Tiraafikada.

Warkii