Cabdi Qeybdiid: Shacabka Galmudug Codkooda ha i siyaan

0
766

CabdiQeybdiid20141220_3Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka codsaday Shacabkiisa inay Codkooda siiyaan si uu ugu guulaysto Doorashada Madaxweyne ee Maamulka Gobolada Dhexe.

“Dadweynaha Reer Galmudug waxaa ka codsanayaa inaad igu taageertaan inaan ku guuleysto Doorashada Mamaulka Cusub ee Gobolada Dhexe, waxaana balan qaadayaa inaan mideyn doono Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo aan Al shabaab kia saari doonaa,” ayuu yiri C/qeybdiid.

Isagoo Dadweynaha kula hadlay Gaalkacyo, ayuu sheegay C/qeybdiid in Gobolada Galgaduud iyo Mudug u baahan yihiin Qof karti iyo Aqoon badan u leh, oo samata bixin kara kana saari kara kala-qeybsanaanta jirta.

Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu kamid yahay ku dhawaad 10 Musharax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweyne Maamulka la dhisayo ee Gobolada Dhexe, waxaana Olole xoogan ka wadaa Deegaanada Galmudug State.