Cadaado oo looga shiray marti-galinta dhismaha maamulka gobollada Dhexe

0
640

CadaadoKulan looga arrinsaday martigalinta shirka maamulka loogu dhisayo bulshada gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Shirka oo uu qabanqaabiyay maamulka degmada Cadaado ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeen iyo qaybaha bulshada.

Af-hayeenka maamulka Ximan iyo Xeen, Carays Maxamed Xaaji oo Bar-kulan la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay inay rajeynayaan in shirku ku qabsoomo Cadaado.

Wuxuu tilmaamay in ay diyaariyeen gabi ahaanba adeegyada ay u baahan yihiin ergooyinka ka qaybgalaya shirka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in magaalada Cadaado lagu qaban doono shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Bar-kulan