Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan AMISOM oo u jiheystay dhanka Cadaado

0
581

AmisomWararka laga helaayo degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhaweenaayo ciidanka AMISOM oo saacadaha soo socda halkaasi tagaya.

Warar aan ka helnay magaalada B/weyne ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay kasoo baxeen ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaas oo loogu talagalay in ay sugaan ammaanka degmada cadaado oo dhawaan ka furmi doono shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Cowke xaaji C/raxmaan oo ah gudoomiyaha Gudiga Amniga maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee loogu talagalay Cadaado maalinta birito ah halaasi ay tagi doonaan si ay ammaanka u sugaan.

“Maanta ayay ciidammadaan kasoo dhaqaqeen magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inay aroornimada hore ee berri ay soo gaaraan degmada Cadaado si ay qayb uga qaataan sugidda amniga degmada,” ayuu yiri Cawke Xaaji C/raxmaan .

Dhanka kale 25 ka bishan ayaa lagu wadaa in cadaado lagu qabto shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe iyadoo maamulkaasi ka koobnaan doono gobolada Galgaduud iyo Mudug qeyb ka mid ah.

Balcad