Colaadii degmada Guriceel oo maanta heshiis laga gaarayo

0
1426

Guriceel20131228Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay socdaan kulamo iyo dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro Colaadii mudooyinkan ka taagneyd Guriceel, halkaasoo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Ahlusuna.

Sida ay sheegayaan wararka wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmo ka hor gaaray Guriceel ayaa kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Ahlusuna, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka.

Kulamadan ayaa intooda badan isu afgarad looga gaaray in la soo afjaro colaada, waxaana isa soo tarayay baaqyada loo jeedinayay dhinacyada ku dagaalamay Guriceel inay gaaraan xabad joojin waarta iyo heshiis.

Wararka ayaa sheegaya in Wafdiga Wasiirka Gaashaandhiga ay maanta u madlan yihiin in la soo afjaro colaada, waxaana la filayaa in la gaaro heshiis ku aadan joojinta dagaalka iyo in dadkii ka barakacay deegaanka dib loogu soo celiyo.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa dalbaday in ciidamada ku sugan duleedka Guriceel laga raro oo ay dib ugu laabtaan Dhuusa Mareeb, iyadoo Saraakiisha ciidamada dowladda ee wehliya Wasiirka Gaashaandhiga ay diideen.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay qodobo ka soo baxaan kulamada ka socda Guriceel, iyadoo dad badan ay rajeynayana in qodobadan ay mira dhal u noqdaan soo afjarida colaadii mudooyinkan ka taagneyd degmada.

Jowhar