Dagaalka ay ku dhinteen sideed ruux oo Hiiraan ka bilaawday +cida hurineysa

0
669

Markacadeey.comWararka aan ka heleyno gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Deegaanka Deefow ee Gobolkaasi ka tirsan uu Saakay ka bilaawday dagal Beeleed u dhexeeya Beelo Horay ugu dagaallamay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo hadda lasoo sheegaayo tirada dhimashada in ay gaareyso sideed ruux tiro intaa ka badanah ay ku dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka uu bilowday kadib markii mid ka mid ah dhinacyadii horay looga saaray halkaasi ay saakay Weerar ku qaadeen dhinaca kale sidaasna uu dagaalka ku dhashay.

Dagaalka Deefow ayaa waxa uuna noqday mid soo lab laabtay waxa uuna hadda lugaha la galay sanadkiisii sadexaad mana jirto xal guud oo illaa iyo hadda loo helo ,waxaana horay u dhax galay ciidanka AMISOM oo wax ka qaban waayay.

Xubno ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan aya lagu riixayaan in iyaga ay qeyb ka yihiin dagaalaas isla markaana ay hubeeyeen mid ka mid ah beelaha daga gobalka.

Balcad