Dowladda Oo Lagu Dhaliilay In Ay Hormuud Ka Tahay Cadaalad Darro La Sheegay In Ay Ka Jirto Kismaayo

0
671

KismayoCityMid ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobalada Jubooyinka ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay hormuud ka tahay cadaalad darro uu sheegay in ay ka jirto magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Nabadoon Hilowle Macalin Yacquub oo Goobjoog u waramay ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka socoto soo xulista baarlamaan uu sheegay in aan loo dhameyn, islamarkaana dowladda ay kaalin ka qaadanayso inay socodsiiso wax shacabka aanu rabin.

Waxa uu tilmaamay in maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka ay iska warqabaan, islamarkaana ay iyagu ugu tala galeen in shacabka ay ka maroojiyaan xuquuqda ay leeyihiin, islamarkaana iyagu ay daneystaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Nabadoonka ayaa sheegay in weli gacanta dowladda iyo AMISOM aanay ku jirin deegaano badan oo ka mid ah gobalada Jubooyinka iyo Gedo, islaamarkaana maamulka Jubba uu hayo meelo yar, isaga oo tilmaamay in taas oo jirta awgeed aan lagu deg degi karin dhameystirka maamulka Jubba.

Ugu dambeyn Nabadoon Hilowle ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobalada Jubboyinka iyo Gedo aysan raali ka ahayn sida hadda loo xulayo baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba, waxaana uu IGAD ku eedeeyay in ay wado faragelin aan qarsooneen.

Goobjoog