Galmudug iyo Ximan & Xeeb oo qabtay doomo kalluumeysi oo sharci darro ah

0
853

doonSomaliCiidanka ilaalada badda ee maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug ku qabtay saddex doon oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha gobolka Mudug.

Ciidanka ilaalada badda ee Ximan iyo Xeeb ayaa qabtay labo doon oo laga leeyahay dalka Iran oo si sharci darro ah uga jilaabanayay xeebaha deegaanka, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay ganacsade ka tirsan deegaanka oo lagu magacaabo Shariif Weerar-cadde.

Ciidanka badda ee Galmudug ayaa iyagana qabtay doon kalluumeysi iyo badmaaxiintii saarnaa oo u dhashay dalka Yemen kuwaas oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha deegaanka.

Mid ka mid ah badmaaxiinta Yemen ayaa ku dhaawacmay is-rasaasayn dhex martay ciidanka ilaalada Galmudug iyo badmaaxiinta saarnaa doonta oo la sheegay inay hubeysnaayeen.

Badmaaxa dhaawacmay ayaa haatan lagu daaweynayaa isbitaal ku yaalla degmada Hobyo.

Bar-kulan