Maamulka Shabeelaha Hoose oo sheegay in ay gacan bir ah ku qabanayaan ammaanka Gobolkaas

0
641

CabdulqadirSiidi20130610Isagoo u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka gobolka sh/ hoose cali nuur maxamad ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay wadaan qorsho lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi oo maalmihii u dambeeyay ku soo badanayeen qaraxyada iyo weerarada ay ka fulinayaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabab.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in ammaan daridu sidoo kale a keentay Maleeshiyo beleedyo degmada ku sugan islamarkaana ay ku howlanyihiin ka maamul ahaan sida uu xusay in ay ka sifiyeen Magaalda kooxahasi oo ay dhaqan celin u sameynayaan.

Ugu dambayn Cali Maxamad ayaa sheegay in Ciidamo nabad sugid iyo Boliis isugu jira dhawaan la gayn doono Magalada Marka kuwaas oo ka qayb qaadan doona sugida ammaanka gobalka.

gudomiye ku xigeenka dhinaca amniga maamulka gobolka sh/ hoose cali nuur ayaa sidoo kale tilmaamay in deegaanadii Al-Shabaab laga saraay ee gobalkaasi la geeyay ciidamo Militari ah oo dowladda Soomaaliya ka tirsan

Magalada Marka oo ah Magalada Madaxda gobalka Shabella hoose ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacayay weeraro iyo qaraxyo inta badan lala eeganaya ciidamada AMISOM iyo kuwa boliiska ee degmadasi ku sugan , iyadoona dhowr jeer maamulka uu shaaciyay in arimaashi oo idil ay wax ka qaban doonaan.

Shabelle