Mudug: Afar qof oo ku geeriyootay maleeshiyo dagaallantay

0
828

Galmudug20140121Afar qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka badanna way ku dhawaacmeen deegaanka Saaxo-kurtumood oo qiyaastii 100 km dhinaca koonfur-galbeed ka xiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaddib markii labo maleeshiyo ay dagaallameen.

Afarta qof ee dhimatay ayaa la sheegayaa inay ka tirsanaayeen labada dhinac ee dagaallantay.

Maxamed Axmed oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Bar-kulan u sheegay in dagaalka uu ka billowday gacan ku heynta baraag lagu keydiyo biyaha oo ku taalla deegaanka.

Wuxuu u jeediyay maamulka Galmudug iyo odayaasha deegaanka inay gacan ka geystaan joojinta colaadda.

Maamulka Galmudug wali ma uusan ka hadlin dagaalka.

Dagaallo la xiriira dhul daaqsin iyo aargoosi ayaa horay uga dhacay deegaanka Saaxo-kurtumood, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Bar-kulan