Shabeellaha Hoose: Diyaarado duqeeyay kooxda Al-Shabaab

0
609

DroneAttachDiyaarado dagaal ayaa xalay duqeeyay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaafiic laga maqlay degaano hoos taga Tuulooyinka Tooratooow, Ambareeso kuwaas oo la filayo inay ahaayeen duqeymo diyaaradeed.

Guddoomiya gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Radio Muqdisho u sheegay in duqeymaha lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Diyaaradaha dagaalka ee dowladaha saaxibadda la ah Soomaaliya ayaa duqeymo u geysta maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayadoo horay loogu dilay duqeymahaan horjoogayaal ajaanib iyo Soomaali isugu jiray oo uu ka mid ah Axmed Godane oo ahaa hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab.

Radio Muqdisho