Soomaalida ku nool Magaalada Troms ee Dalka Norwey oo ka qeybgashay Bandhigga cunnooyinka dhaqan ahaan ay…

0
725

Tromsø..20. March 2015….Bandhiggaan oo sanadkiiba mar lagu qabto Machadka Sare ee Voksenopplæring oo ku yaalla Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Dalka Norwey ayaa waxaa ka qeybgalay in ka badan 400 Arday oo ka kala timid in ka badan 20 Dal oo ay Soomaaliya ku jirto waxaana halkaasi lagu soo bandhigayay Cunnooyin kala duwan oo ay dhaqan ahaan isticmaalaan qaar kamid ah dalalka Caalamka oo ay muwaadiniintoodu haatan wax ku bartaan gudaha dalka Norwey gaar ahaan mahcadka sare ee voksenopplæring ee Magaalada Tromsø.

Dadkii kasoo qeybgalay Xafladdaas oo ay kamid ahaayeen Madaxda , macallimiinta iyo ardaydii kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa si aad ah ula dhacay nuucyada kala duwan ee Raashinka ay soo bandhigeen Soomaalida kuwaas oo ay gacantooda ku soo sameeyeen qaar kamid ah ardayda iyo xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee wax ku barata machadkaasi, iyadoo Madaxda iyo ka qeybgaleyaashu si aad ah uga mahadceliyeen Soomaalida kaalinta wanaagsan oo ay ka qaateen bandhiggaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi lagu soo bandhigay cunnooyinka ay isticmaalaan wadamada Mareykanka,, Norwey, Ruushka,Equador,Afhaanistaan, Congo, Burma, China, Hindia, Syria, Ethiopia, Eratrea Suudaan, Morocco, rwanda, burundi, uganda, kenya, iyo dalal kale oo ka tirsan Caalamka.

Intii ay socotay munaasabadda waxaa suugaan iyo madadaallo xiiso badan kusoo bandhigay ardayda fasallada kala duwan ee Machadka iyadoo munaasabadduna kusoo idlaatay jawi aad u farxad badan.

SomaliCulturalDayInNorway20150320_7 SomaliCulturalDayInNorway20150320_6 SomaliCulturalDayInNorway20150320_5 SomaliCulturalDayInNorway20150320_4 SomaliCulturalDayInNorway20150320_3 SomaliCulturalDayInNorway20150320_2 SomaliCulturalDayInNorway20150320_1