Wasaaradda Amniga Gudaha oo baaq u jeedisay Milkiilayaasha Hotelada Muqdisho

0
659

CabdirasaaqCumar20130923Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Hotelada Muqdisho inay taxadar amni muujiyaan, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ku qaadeysay Hotelada.

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Gudaha ayaa sheegay in Milkiilayaasha Hotelada looga baahan yahay inay sameeyaan feejignaan dheeri ah oo ku saabsan ammaanka hoteladooda.

“Hotelada waxaa laga rabaa in mar walba ka taxadaraan amnigooda, feejignaan sameeyaan, gaarigii la soo dhiga banaankooda ay weydiiyaan qofka uu yahay, baaritaana sameeyaan”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasaaradda Amniga ay dib u eegis ku sameyneyso amniga Hotelada Muqdisho, waxaana jiro Hotelo qaar oo aan heysan ilaalo ku filan oo aan u tababarneyn ka hortaga weerarada.

Hotelada ayaa waxaa dega mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha, xildhibaanada, siyaasiyinta iyo dadka qurbaha ka yimaada, waxaana ay mudooyinkii u dambeeyay ay u nuglaayeen weerarada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa mar kale digniin u jeedisay Milkiilayaasha Hotelada, waxaana ay uga digtay milkiilayaasha in aanay ka kiren mas’uuliyiinta dowladda.

Jowhar