Faah Faahin:- Laba Askari Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
490

TargetingAssasinationKoox ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Seybiyaano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Laba askari oo ka mid ah ciidanka dowladda Federaalka.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dilkaan markii uu dhacayay askarta ay ku sugnaayeen goob lagu shaaho oo halkaasi ku taallo.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in dilkaasi ay ka dambeeyeen, iyaga oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa howlgal sameeyay, laakiinse lama shaacin cid lagu soo qabtay howlgalkaan.

Dhanka kale maamulka degmada Hodon kama aanu hadal dilkaasi dhacay iyo askartaasi halka ay ka tirsanaayeen.

Goobjoog News