Haweenka Mudug iyo Galgaduud: Waa in aan helno xuquuqdeenna siyaasadeed

0
602

Cadaado20141001_2Haweenka gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa magaalada Cadaado ku yeeshay kulan ay uga arrinsadeen sidii haweenka labada gobol uu u heli lahaa mudnaanta uu ku leeyahay maamulka la dhisayo.

Qaar ka tirsan haweenka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay daashadeen ballanqaadyo loo sameeyo, hase yeeshee aan la fulin.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ragga ah ayay ku dhaliileen in had iyo goorba ay iyagu yihiin kuwa wax u qaybiya bulshada, ayna isla iyagu qaybsadaan.

Haweenka ku shiray Cadaado ayaa ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, guddiga qabanqaabada shirka maamul u samaynta gobollada dhexe iyo beesha caalamka inay ka hortagaan isku day kasta oo lagu doonayo in looga sad-bursado haweenka.

Dhinaca kale, haweenka labada gobol ayaa hambalyeeyay sida ay u socdaan dadaallada lagu dhisayo maamul ay ku midaysan yihiin bulshooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxayna ka dalbadeen dadweynaha inay gacan ka geystaan taabbagalinta maamulka.

Bar-kulan