Wasaaradda Waxbarashada iyo Daladaha oo isku Waafaqay in la qaado Imtixaan Qaran

0
3214

Arday20131120_2(Muqdishu) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa maanta isku waafaqay in halmar dalka oo dhan laga qaado imtixaan Qaran islamarkaana Arday kasta oo imtixaanka ka qeyb qaadanaya uu buuxiya (Foomka Diiwaan gelinta Ardayda) kaas oo ay wada meel mariyeen Wasaaradda iyo Dalladaha Ahliga ah ee inta badan gacanta ku haya Iskuulada Privet-ka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof Maxamed Abdulkadir Nuur ayaa sheegay in sanadkaan Wasaaradda ay ka go’antahay iney qaado imtixaan Qaran oo loo dhanyahay loogana baahanyahay Dhamaan dalladaha iyo Ardayda iney haystaan Foomkaan ku lifaaqan Qoraalka.

Sikastaba Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo kaa shaneyso Daladaha iney sanadkaan qaado imtixaan Qaran oo loo dhanayahay.