Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadlay xaalada dalka Burundi

0
335

ShabaabBarawaCiidaXarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada dalka Burundi iyo khalalaasaha siyaasadeed ee ka jiray dalkaas dhowrkii todobaad ee u dambeeyay.

Dalka Burundi ayaa waxaa uu qeyb ka yahay howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari ay ka joogaan.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Dheere ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Burundi, isagoo ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

“Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Burundi waa isku day la doonayo in lagu dejiyo shacabka kacdoonsan ee wadooyinka isugu soo baxay iyo mid indhaha caalamka looga leexinayo falal aargoosi oo ay Xukuumaddu qorsheyneyso”ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Shabaab ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Nkurunziza ee ah in ka digista weeraro Al-Shabaab ka geysato dalkaas ay tahay mid uu shacabka dalkiisa ku beer laxawsanayo.

Madaxweynaha Burundi oo ka bad baaday isku day afgambi dhicisoobay oo xukunka lagaga tuuri rabay ayaa ka digay halista kooxda Al-Shabaab iyo saameynta ay ku yeelan karaan rabshadaha wali ka socda dalkiisa.

Banaan baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Burundi ayaa ka bilowday dalkaas 26-kii bishii hore, kadib markii Madaxweynaha Burundi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isa soo sharaxayo.

Jowhar