Al Shabab oo La Wareegtay Tuulooyin Hoos Taga Garissa

0
674

Dhalinyarada20130618Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garissa ee Waqooy Bari dalka Kenya, ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ay si rasmi ah ula wareegtay Tuulooyin hoostaga Gobolkaasi.

Maleeshiyada ayaa Habeenimadii xalay la wareegtay Tuulooyin ay kamid yihiin Yumbis, Damajaley iyo Amuma oo dhamaantooda hoostaga Magaalada Garissa.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in markii ay Maleeshiyadu qabsatay Tuulooyinkaasi ay ka taagen Calanka Madow ee astaanta u ah Maleeshiyada.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in Tuulooyinka ay Maleeshiyadu qabsatay ay gaarayaan ilaa Seddex Tuulo iyaga oo u wacdiyay dadkii Deegaanka.

Maleeshiyada ayaa la tilmaamayaa in weli ay halkaasi ku sugan yihiin basle Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in Al-shabab dib looga saaray Goobihii ay xalay la wareegeen.

Dhanka kale, dhacdadaani ayaa kusoo beegmeyso xili habeenkii Arbacada ay sidoo kale Maleeshiyadu tageen Tuulooyin hoostaga Degmada Ijaara waxana ay laba Saacadood u wacdinayeen dadka Deegaanka.

Warkii