Furitaanka wejiga labaad ee shirka Cadaado oo dib u dhacay iyo warar cusub oo soo kordhay

0
790

CadaadoWararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in furitaanka wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe uu dib u dhac ku yimid, kaddib markii ay soo wajaheen caqabado hor leh.

Wararka ayaa sheegaya in dib u dhaca wejiga labaad ee shirkaasi uu yimid kaddib markii qaar ka mid ah beelaha gobolada Galgaduud iyo Mudug aanay soo gudbin ergadii u mataleysay.

Sida uu sheegayo goob jooge qariyay magaciisa oo ku sugan magaalada Cadaado, waxaa khilaaf xoogan soo kala dhex galay guddiga shirka iyo waxgaradka beelaha ka qeyb gelaya shirkaasi, kaddib markii la isku maan dhaafay tirada xubnaha beel kasta u mataleysa.

Go’aankii horay uga soo baxay Wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa meesha ka baxay, kaasi oo ahaa in shirka wejigiisa labaad la furayo maalinimadii Khamiista aynu soo dhaafnay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya uu u dhutinayo faragelin aan geedna loogu gabban oo ay ku heyso Dowladda Federaalka, tiiyoo musharaxiinta xilka Madaxweynaha u tartameysa ay kulamo la qaadanayaan ergooyinka beelaha shirka ka qeyb gelaya.

Somaliweyn