Guddoomiye Jawaari: ” Dowlad Goboleed wax la yiraa ma jiraan”.

0
621

Jawaari20130503_5Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga digay in ay isticmaalaan Magaca ay ugu yeeraan Maamullada KMG ah ee ka jira dalka , oo ah dowlad Goboleed taas oo uu ku booriyay in bedelkeeda ay isticmaalaan Maamullada KMG ah.

Mr Jawaari ayaa xusay haddii ay Xildhibaanadu ku adkeysanayaan in Magacyadaas ugu yeeraan loo baahan yahay sharci u ogolaanayo oo iyagu ay meel mariyaan si uu u dhaqan galo Magaca dowlad Goboleedka.

Inta badan Xildhibaanada iyo qeybaha Warbaahinta ayaa mararka qaar u adeegsada Maamul Goboleedyada Magaca dowlad Goboleed kaas oo uu hadda ka digayo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu ku tilmaamay in uu yahay mid sharci darro ah ka hor inta aan la ansixin.

Shabelle