Ilaalada xeebaha Talyaaniga oo soo badbaadiyey muhaajiriin hor leh

0
510

tahriibayaalSomaaliCiidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen kumannaan muhaajiriin ah oo ka soo tahriibay Libya.

Toban qof ayaa geeriyootay, inka badan 4,000 oo muhaajiriin ah eyey ilaalada xeebaha Talyaaniga ka soo badbaadiyeen badda Mediterranean, meel u dhow xeebaha Libya labadii cisho ee u dambeysay.

Muhaajiriinta oo ku sii jeeday Yurub ayaa saarnaa 15 doomood, waxayna intooda ka soo kala jeedaan dalalka Afrika iyo Bariga dhexe.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga, waxay sheegeen in ku dhawaad 1,200 oo qof ay ku dhinteen badda Mediterranean, bishii April oo kaliya. Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dadka tahriibayo ay sannadkan sii korodha oo ay gaarto ilaa 200,000.

Midowga Yurub, ayaa isku dayaya in xal loo helo joojinta qulqulka muhaajiriinta.

Bar-kulan