Waddooyinka Muqdisho oo la xiray iyo howlgallo ka socda xaafadaha

0
565

MakaMukaramaRoadMagaalada Muqdisho waxaa saakay la xiray waddooyinka muhiimka ah, gaar ahaan wadada dheer ee isku xirta Km4 ilaa iyo madaxtooyada, iyadoo ciidamo fara badana la soo dhoobay kuwaasi oo gaadiidka ka celinaya inay isticmaalaan wadadaasi.

Wadada Maka Al-Mukarama oo dhinac marta madaxtooyada ayaa ahayd mid mashquul badan oo gawaarida Muqdisho si weyn u isticmaali jireen, inkastoo saakay ay xireen ciidamada.

Qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan Dowladda iyo AMISOM.

Dhinaca kale howlgalada ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu xoojinayo amniga, isla markaana lagu soo qabanayo rag ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo la qabqabanayo dhallinyaro lagu tuhmayo inay la shaqeeyaan kooxda.

Somaliweyn