Ardayda Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho ayaa booqasho cilmiyeed ku tagey beeraha tijaabada iyo cilmibaarista ee hey’ada SATG ay ku leedahay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Booqashada ardayda ee xarunt SATG ayaa horkacaayey Madaxda Jaamacada, hormoodka kulliyada beraha iyo qaar ka mid ah macallimiinta Jaamacada.
Khubarada cilmi baarista ee xarunta SATG ee Afgooye ayaa ardayda soo booqdey halkaa ugu diyaariyey barnaamij maalmeed oo isugu jira bandhig howlaha tijaabooyinka ee halkaa ka socda, iyo cilmi baaris ku saabsan wax soo saarka beeraha iyo kobcintiisa.
Khubarada SATG ayaa ardayda u soo bandhigtey macaluumaad fara badan ee la xariira hababka ugu casrisan ee beeraha loo tacbado. Waxeyna sidoo kale ardayda ku baraarujiyeen ahmiyadda technology-yada casriga ah ay ku leedahay kobcinta wax soo-saarka beeraha.
Sidoo kale khubaradu waxey soo bandhigeen macalluumaad fara badan ee la xariira arrimaha tacbashada iyo hurumarinta dalka, waxayna ardayda ku baraarujiyeen ahmiyadda technology-yada casriga ah ay ku leedahay kobcinta wax soo-saarka.