Banaanbax looga soo horjeedo Dowlada Soomaaliya iyo Shirka Cadaado oo ka bilowday Magaalada Garawe

0
498

Boosaaso20140125

Wararka ka imaanaya Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntiland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka bilowday dibad bax looga soo horjeedo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo dhismihiisu kasocdo Cadaado.

Dadka dhigaya dibad baxa ayaa wata boorar iyo halkudhigyo kale ay ay kaga soo horjeedaan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug oo dhisihiisu meel gabo gabo ah marayo kana socda Magaalada Cadaado.

Waxaa la filayaa gabo gabada Banaanbxa in fagaare kula hadlaan Masuuliyiin katirsan Maamulka Puntiland kuwaa oo dadweynaha u jeedin doono Khudbado ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Galmudug.

Puntiland ayaa si weyn waxa ay uga soo horjeedaa Dastuurka ay asnsixyeen Ergaydii shirka ka qeyb galeysay oo dhigeysay in xuduuda Maamulka Galmudug uu noqonayo Gobolka Nugaal, halka Puntiland iyaa ay dooneyso in maamulkaasi uu noqdo gobol iyo bar uuna ku ekaado Koonfurta Gaalkacyo.

Allbanaadir