Dowladda Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Dowladda iyo Shacabka Jibuuti

0
103

DjiboutiPeaceKeepersKu Simaha Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaalada mudane C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Dalka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa hambalyo u diray Shacabka walaalaha aynu nahay iyo Dowladda Jibuuti ee ku aadan maalinta Ciidamada Qalabka oo maanta ay u dabaal dageen .

Maanta oo ku beegneyd Xuska 38-guuradii ka soo wareegtay aasaaskiii ciidamada xoogga dalka Jabuuti ayaa waxaa dalka Jabuuti hareeyay munaasabado lagu xusayay maalintani islamarkaana lagu muujiyay muhiimada ciidamada ay u leeyihiin Qaranimada Jibuuti.

Ku Simaha Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Cadaalada mudane C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo ka hadlay qiimaha maalintani ay u leedahay walaalaha Jibuuti ayaa sheegay in ay ay ugu hambalyeynayaan ka dowlad ahaan maalintani oo muhiimad gaar ah ugu fadhiso ciidamada qalabka sida ee Dowladda Jibuuti, wuxuuna si gaar ah uu ugu mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jibuuti sida wanaagsan ay u garab istaageen dadka Soomaaliyeed oo ay dhiigooda ugu hureen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna dhankiisa hambalyo ku aadan maalinta ciidanka qalabka sida u diray shacabka,Dowladda, iyo guud ahaan ciidamada Jibuuti, wuxuuna ku ammaanay sida walaaltinimada leh ay u garab taaganyihiin Dadka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay Dowladda jibuuti walaal dhab ah oo noo muujiyay walaaltinimo.

Magaalada Jibuuti ayaa maanta si weyn looga dareemay xuska maalinta Ciidamada Qalabka sida ee Jibuuti, iyadoo halkaasi ay ka dhacayaan fantasyo iyo dabaaldegyo lagu maamuusayo xuska maalinta Ciidanka Qalabka sida ee Jamhuuriyadda jabuuti.

Radio Muqdisho

LEAVE A REPLY