Madaxweyne C/weli Gaas oo isku shaandheeyay Xukuumadiisa iyo Liiska oo la soo saaray

0
678

CabdiweliGaas20141004_1Madaxweynaha Maamulka Puntland Abdiwali Maxamed Ali Gaas ayaa goor dhaw soo saaray Liiska isku shaandheynta xubnaha golaha Xukuumada ee Puntland, waxaana isku shaandheyntu ay si weyn usaameysay Wasaaraddaha qaarkood, gaar ahaana Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Deegaanka iyo Wasaaraddaha qaarkood oo kala badalay lagu sameeyey.

 Madaxweyne Gaas intii uu ku jiray Magacaabistan wuxuu la kulmay cadaadisyo waa weyn oo ka soo wajahay meelaha qaarkood, waxaana aan ku jirin Siyaasiyiin si weyn loo filayay in ay ka soo mid noqdaan golahan cusub, gaar ahaana kuwa ka soo jeeda gobalka Sool.

Akhrisyo magacyada Wasiirada cusub.

  1.  Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cuuke.
  2.  Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, Shire Xaaji Faarax.
  3.  Wasiirka Amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
  4.  Wasiirka Haweenka, Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin.
  5.  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
  6.  Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi
  7.  Wasiirka Duulista Hawada, Xasan Xaaji Siciid.
  8.  Wasiirka Beerahaha iyo Waraabka, Cabdullaahi Cali Xirsi
  9.  Wasiirka Caafimaadka, Cabdinaasir Cismaan Ciise.
  10.  Wasiirka Deegaanka, Cali Cabdullaahi Warsame.
  11.  Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed.
  12.  Wasiirka Dastuurka, Feysal Cabdi Cali Gaas.
  13.  Wasiirka Maaliyadda, Cabdullaahi Sheekh Axmed.
  14.  Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-cade.
  15.  Wasiirka Waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
  16.  Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac.
  17.  Wasiirka Kalluumaysiga, Cabdinuur Cilmi Maxamuud.
  18.  Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle.
  19.  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdullaahi Jaamac Saalax.

Allbanaadir