Sawiro: Farax Cabdulqaadir oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garoonka Adan Cadde

0
499

Farax C/qaadir ayaa bogiisa uu Bulshada kula xiriiro waxa uu soo dhigay qoraal gaar ah ee uu kaga hadlaayo halkii uu ku maqnaa ee soo laabashadiisa sidii uu Muqdisho iyo Garoonka Aden Cadde u arkay.

Halkaan ka akhriso qoraal kooban uu soo dhigay Farax C/qadaarir.

Maanta oo bisha June tahay 24kii, ayaan ku soo laabtay Magaalo Madaxda Qaranka Soomaliyeed ee Muqdishu, oo aan ku farxay Muuqaalka Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cade, oo ah mid lagu farxo qaab-dhismeedkiisa caalamiga ah, oo ka turjumaya, horrumarka iyo Nabad-galyada Caasimadeena. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa, Wasiiradii, Xildhibaanadii iyo Asxaabtii igu soo Dhawaysay Garoonka Maanta.

Waxaan ku faraxsanahy, dhiirigalintooda iyo kalsoonidooda, sidii aan usii laban-laabi lahaa, u’adeega Dalkayga, Dadkayga iyo Diintayda, oo ah waajib-qaran.

Waxaan u mahad celinyaa, xidhiidhkii joogtada ahaa iyo Dhanbaaladii aan ka helayay, muddadii aan dalka ka maqnaa, dhamaan asxabtayda qaaliga ah iyo dhamaan dadwaynaha Soomaliyeed ee danaynayay hawl-wadeenimadaydii u’adeega bulshada Soomaliyeed iyo baadidonka qaranimada Soomaliyeed.

Balcad

FaaraxCabdulqadir20150625_3 FaaraxCabdulqadir20150625_2 FaaraxCabdulqadir20150625_5 FaaraxCabdulqadir20150625_4FaaraxCabdulqadir20150625_1