Wasiirka caddaaladda oo hortagay baarlamaanka

0
509

CabdullahiJamacIlk jir20150319Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa su’aallo la xiriira guddiga adeegga garsoorka weydiiyay wasiirka caddaaladda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir).

Wasiirka ayaa xildhibaannada ka qanciyay su’aalaha ay weydiiyeen, wuxuuna ka codsaday in ay ansixiyaan guddiga, si uu u guto howlaha qaran ee laga sugayo.

Golaha baarlammanka ayaa guddigiisa garsoorka ka codsaday in uu soo falanqeeyo arrimaha guddiga ee ay soo gudbisay wasaaradda caddaaladda.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoomiyey af-hayeenka baarlammaanka, Maxamed Shekkh Cusmaan (Jawaari).

Bar-kulan