Wasiirkii caddaaladda Puntland oo is-casilay

0
50

PuntlandWasiirkaCadaaladaIsmaaciil Maxamed Warsame oo ahaa wasiirkii wasaaradda caddaaladda ee maamulka Puntland ayaa kaga dhawaaqay shir saxaafadeed  uu maanta ku qabtay magaalada Garowe in uu iska casilay xilkii uu ka hayey wasaaradda.

Wuxuu sheegay in arrimo siyaasadeed oo caqabad ku noqday awgeed uu u go’aansaday in uu isku casilo, wuxuuna xusay in muddadii uu xilka hayey ay caqabado ka soo wajahyeen fulinta howlo badan oo la xiriiray hormarinta adeegyada wasaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxtooyada Puntland aysan waxbo ka qaban isbeddel uu doonayey in uu ku sameeyo wasaaradda caddaaladda.

Siddeed bilood oo kamid ah 16 bilood oo uu xilka hayey ayuu sheegay in aanay wax mushaar ah ka helin maamulka.

Is-casilaadda wasiirka ayaa ku soo beegantay iyadoo la hadal hayo isbeddel lagu sameynayo golaha wasiirrada Puntland.

Bar-kulan

LEAVE A REPLY