Ahlu suna oo ciidamada Dowlada ka saaray meelihii shalay lagu dagaalamay

0
576

ahlusuna20141213Dagaalamayaasha Ahlu suna ayaa xoog kula wareegay deegaano hoos taga Magaalada Dhuusa-Mareeb oo shalay ay kula dagaalameeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya .

Dagaalada oo ahaa kuwa aad u culus ayaa yara qaboobay sida wararka aan ku henay shalay galab markii xooggaga Ahlu suna ay ka eryadeen ciidamadii Dowlada ee awalba fariisimaha ku lahaa duleedka Dhuusa-mareeb.

Saaka waxaa la soo sheegayaa in xaaladu degan tahay ayna goobta u hareen ciidamada ahlusna ee ka amar qaata Sheekh Maxamed Shaakir oo dhawaan shir ka dhacay Dhuusa-Mareeb Madaxweynaha Gobolada shexe loogudoortay inkastoo aaney aqoonsi ka heysan caalamka.

Shalay iska hor imaaadyada dhexmaray labada dhinac waxaa la xasuustaa inay khasaare dhimasho iyo dhaawacba is gaarsiiyeen labada dhinac.

Ma jirto warar si rasmi ah uga soo baxay Dowlada iyo Madaxda Ahlu suna marka la eego dagaaladii shalay dhacay inkastoo xaaladu saaka degan tahay.

Dagaaladaan shalay ka dhex qarxay Dowlada iyo Ahlu suna ayaa ku soo aadaya xili dhawaan la qorsheynayay in dhuusa-mareeb lagu qabto kulan labada dhinac lagu dhex dhexaadinayo kaasoo iminka u muuqda inuu fashilmay madaama dagaalo bilowdeen.

Si kastaba dagaaladii shalay dhacay waxaa ku dhintay ilaa 7 askari oo 4 ka mid ah ay yihiin kuwa Ahlu suna halka sedexna ay ka dhinteen Dowlada halka 2 shacabna ay ka dhinteen shacabka.

Warkii