Duqeymo diyaarado ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga Gedo

0
634

DroneAttachWararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in duqeymo xoog leh ay ka dhaceen xalay deegaanno hoostaga Gobolkaasi.

Duqeymaha Xoogooda ayaa waxa ay ka dhaceen Deegaan Lagu Magacaabo Garas Lulan oo u dhow degmada Baardheere halkaas oo la sheegay in Hoggaamiyayaal ka tirsan Al Shabaab ay ku sugnaayeen.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in duqeymaha ay fuliyeen diyaarado dagaal xilli aanu jirin cid sheegatay Masuuliyadda duqeymahaasi walow horay weeraro nuucaasi ah ay Gobolka Gedo uga fuliyeen diyaarado dowladda Kenya ay leedahay.

Lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen duqeymahaasi xalay ka dhacay Gobolka Gedo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa guluf xoog leh waxa uu ka jiray Deegaanno iyo degmooyin hoostaga Gobolka Gedo kaas oo ku aadan qorshayaal dowladda iyo Ciidamada AMISOM ay ku doonayaan in ay kula wareegaan Degmada Baardheere iyo deegaanada ku dhow dhow ee Al Shabaab-ku Maamulaan.

Shabelle