AMISOM oo ku tababareysa Boqolaal Askari Magaalada Baydhabo

0
673

TababarCiidanBaydhaboHowgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaaa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay ka bilaabay tababarida 200 oo Ciidamo Boliis Soomaali ah, sida war saxafadeed ay soo saartay AMISOM lagu sheegay.

Warka qoraalka ah ee AMISOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Ciidamadan cusub ee ay ku tababarayso Baydhaba loo diyaarinayo in ay ka howgalaan degaanadda Maamuulka Koonfur galbeed ka tirsan ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ay kala waregeen dhaq dhaqaaqa AL-Shabaab.

Sholla Omilade oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadda Boliiska AMISOM ayaa sheegay tababarka Ciidamadu uu socon doono mudo 3 bilooad ah , ciidamadana la bari doono xirfado muhiim u ah shaqadooda si ay uga qayb qataan Amaanka degaanada iyo degmooyinka soo galay gacanta dowlada Soomaaliya.

“ Dalka Soomaaaliyeed waxa ay u baahanyihiin nabad iyo kala dambayn waxaana rajo badan ka qabnaa in Ciidamadda la tababaray ay nabad iyo xasilooni ka abuuri donaan degaaanadda ay ka howgali doonaan” ayaa lagu yiri warka Qoraalka ah ee howlgalka AMISOM ka soo baxay.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa horay tababaro kala duwan ugu fidiyay Ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shabelle