Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeedka Shaqaalaha Ajaanibta.

0
941

baarlamaankaMudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Shaqaalaha Ajaanibta oo Mudooyinkii ugu dambeeyay si aad ah ay kaga doodayeen

Tiro xildhibaano ah ayaa Maanta soo xaadirtay kulankii Baarlamanka soomaliya ay Maanta ku yeeshteen xarunta Golaha shacabka soomaliya ee Magaalada caasimada Muqdisho

Kulankii Maanta lagu ansixiyay Hinside sharciyeedka shaqaalaha ajaanibta waxaa shir Gudoominaayay gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka soomaliya Mahad Cabdale Cawad waxaana soo xaadirtay ilaa 146-mudane

 Saxiixa arintaan ayaa Laga sugayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho

Xafiiskamuqdisho@hotmail.com