Barnaamijka shaqo abuur ee ururka dhaq-dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS) oo…

0
633

Wejiga koowaad barnaamijka Shaqo Abuur ee Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS) uu wadey ayaa ku socda si wanaagsan, iyadoo Qeybaha Iskaashatooyinka ku mideysan UDHIS ay sameynayaan dadaalo xoogan.

Hergelinta Xarunta Farshaxanka ee ay Shaqo ka heleen Xoogsato xirfado yaqaano ah iyo kuwa cusub oo la barey xirfado ay ku shaqeysan karaan, isuguna jira Dhalinyaro, iyo Haween ayaa lagu guuleystey, iyagoo soo saarey Qalab farshaxan noocyo kala duwan leh.

Qeybta Media-ha Qaabilsan ee UDHIS oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta Iskaashatooyinka Farshaxanka iyo warshadaha yar yar ayaa booqdey xarunta Farshaxanka Iskaashatooyinka oo howlo bilow ah, kuna socda si agaasiman ay ku arkeen iyo Goob loogu talo galay in lagu soo bandhigo, laguna iibiyo wax soo saarka Xoogsatadan.

Gudoomiyaha Ururka Iskaashatooyinka Farshaxanka iyo Warshadaha Yar yar ee Gobolka Banaadir, Laki oo xarunta faahfaahin ka bixisay ayaa sheegtay in talaabadani ay dhiiri gelineysa xirsafadayaasha farshaxanka oo ku haminaya in ay soo saaraan alaabo dibadaha loo iib geyn karo.

Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS oo isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi booqdey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in lagu guuleysto hergelinta xarun leh wax soo saar sidan oo kale ah.

Gudoomiyeha Iskaashatada Gaadiidka iyo Dhagaxa ee Gobolka Banaadir, Maxamed Xuseen Abkoow ayaa isna sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo barnaamijyada noocan oo kale ah iyo kuwa kale.
Si kastaba, warbixino kale oo la xiriira xaruntan iyo qaabka ay u shaqeeyaan ayaan dhowaan idin soo gudbineynaa.

UDHIS20150812_2 UDHIS20150812_1