Dowladda South Africa oo adkaysay Sharcigii qoxootiga, iyo Soomaalida Dalkaasi oo Cabanaysa

0
439

SouthAfricaRobbingSoomaalida qoxootiga ku ah Dalka Koonfur Afrika oo dhibaatooyin xagga dilka iyo boobka daashaday sanadiihii lasoo dhaafay ayaa ka cabanaya dhibaatooyin cusub oo ku saabsan Sharciyada dalka ay ku joogaan dadka Ajaaniibta ee qoxootiga ah.

Wasaaradda Arimaha gudaha gaar ahaan Waaxda Qoxootiga ayaa bilihii ugu dambeyay soo rogay shirciyo cusub oo ku aadan Warqadaha Qoxootiga waxayna Soomaalida ku dhaqan dalkan ay cabasho badan ka muujinayaan hab dhaqanka ay Saraakiisha ka shaqeysa Home Afairs-ka ayadoo mararka qaar jirdil ay u geystaan Waardiyaasha ka shaqeeya Waaxahaas dadkii u soo doontay Sharciyada.

Dadka qoxootiga ee Sharciyada qoxootiga heysta oo ay Soomaalida ku jirto ayaa waxay ka koobanyihiin dadkii horey u soo galay iyo dadka cusub,wuxuuna Sharciga Koonfur Afrika dhigaa in ruuxa qoxootiga ah uu xaq u leeyahay shan sano kadib inuu helo deganaansho qoxooti balse sedexdii sano ee ugu dambeeyay ay gabi ahaanba joojisay in ay bixiso, ayadoo taas bedelkeeda diidmo ay Dowladda Koonfur Afrika siinayso,waxaana Warqadda ay ku qeexeysaa in Soomaaliya ay Dowlad ka dhalatay ay Koonfur Afrika go,aansatay inay Soomaalida sii ahaanin qoxooti.

Dadka cusub ee soo gala ayaa lasiin jiray Warqad Aqoonsi qoxootiyeed ee afar sano ah balse hadda la siiyo hal bil oo kaliya.

Dadkii soo galay toban sano kahor oo xaq u leh in ay helaan Deganaansho oo aan meelo kala duwan kula kulanay ayaa walaac ka muujiyay in Koonfur Afrika markeedii hore nolol ka wanaagsan tii Soomaaliya ugu soo carareen ay lahayd balse hada aan laheen noloshii ay ka filayeen oo ay u dheertahay Sharci la,aan taas oo lagu micneeyay Xabsi kor ka furan.

Dadkii aan la kulanay ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Safaaradda matasha ee ay ku leedahay Koonfur Afrika ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkani.

Allbanaadir