Dayaxii iyo balligii

0
70

dayihiiinta aadan akhrin ka hor
Fiiri sawirrada ku yaal bogagga 1-3.
Maxaa aad u malaynaysaa in ay sheekadu ku saabsan tahay?
Hadda akhri sheekada fiirina haddii fikraddaadu ay sax ahayd.
Beri beryaha ka mid ah ayaa nin socoto ihi safar u baxay. Galab ayuu yimid tuulo.
Duleedka tuulada waxa ku yaallay balli, waxaana ku wareegsanaa dad aad u badan.
Dadka tuuladu waxa ay gacmaha ku haysteen xaaqimo, shabaqyo iyo ulo. Waxa ayna ku dhawaanayeen balliga. Waxa ay lahaayeen “Na caawi!” Waxa ayna isku dayayeen in ay wax kala soo baxaan.
“Maxaa dhacay?” ayaa uu weydiiyey ninkii socotada ahaa.
“Dayaxii! Waxaa uu ku dhacay balliga waanna ka soo saari kari weyney.” Waxa ku jawaabay dadkii masaakiinta ahaa ee tuulada degganaa.
“Maxaa!” ayaa uu yiri ninkii socotada ahaa. “Fiiri cirka. Waa kaa dayaxii. Weli halkiisii buu joogaa.”

dayixiiDadkii tuuladu ma ay dhegeysan ninkii waxa uu u sheegay. Waxa ay ku yiraahdeen, “Iska tag oo jidkaaga mar.”
Ka jawaab su’aalahan.
1. Maxaa ay dadku isku dayeen in ay sameeyaan?
2. Maxaa ay ugu maleeyeen in dayaxu ku jiro balliga?
3. Kee caqli badan ayaad u malaynaysaa – ninka safarka ahaa ama dadkii tuulada? Sheeg sababta.
Waxaa Diyaariyay:
Maxamed Cali Maxamuud(Madka)
E-mail: madkacali@hotmail.com
Twitter:@madkacali