Beledweyne: Xarumo waa weyn oo ku yaala Beledweyne oo saakey bur-burin lagu bilaabey

0
851

b

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakey  halkaasi ay ka bilaabatay howl bur-burin ah.

Wararka ayaa sheegaya in howsha lagu bur-burinayo dhismayaal ay ka mid yihiin Bakhaaradii ADC  iyo xeradii hore ee daraawiishta magaaladaasi.

Maamulka degmada oo kaashanaya ciidamada Booliiska ayaa la sheegay in ay howl galkani wadaan.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo bulshada magaalada Beledweyne ayaa durba qeylo dhaan ka muujiyay arrintan, ayagoo sheegay in ay tahay waxyeelo loo geysanayo goobihii bulshada.

 la soco wixii ku soo kordha warkani

20150908_170507-500x375